Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyey in 19-ka Bishaam Maarso dalka Chana lagu qaban doono wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland

(DMN) : Talyaniga –  Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyey in 19-ka Bishaam Maarso dalka Chana lagu qaban doono wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo tiro ka dhwor jeer ah uu fashil ku yimid.

Waxa uu ku eedeeyey  Muuse Biixi in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr mar diiday wadahadalahaas oo uu sheegay in horay loogu qorsheeyey wadamada, Switzerland, turkiga, Sweden iyo Qatar, isal markaana ay eedeeda leedahay inay dib u dhacaan  dowlada inay dib u dhacaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in  ugu dambeyn la filayo in Bishaan 19-keeda la isugu tago dalka Chana si lo sameeyo Guddi labada dhinac ah,hayeeshee dowladda Soomaaliya weli dhankeeda kama hadlin warkaan kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliland.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa hakad waxa ay galeen sanadkii 2015-ki, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa dhowr mar shaacisay inay diyaar u tahay in ay dib u bilaawdaan wadahadaladaas.

Waxaa kaloo xusid mudan in Wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ay dowladda Turkiga u Magacaawday Ergaygii hore ee u joogay Soomaaliya ee hore Olgan Bekir.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *