Madaxweynaha Filibiin oo la filayo inuu bedelo magaca loo yaqaano dalkiisa

Madaxweynaha dalkaasi, Rodrigo Duterte ayaa la sheegay inuu ka baaraan-degayo inuu magaca dalkiisa Filibiin ku bedelo magaca “Maharlika”, wuxuuna hadafkiisu yahaya inuu dalkisia ka fogaado Xilligii Gumeysiga ee tegay.

Wargeyska Manila Bulletin ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Maniila waxa uu maanta qoray inuu Madaxweyne Rodrigo Duterte doonayo inuu bedelo magaca dalka Filibiin, kaasi oo la bixiyey xilligii Gumeysigii Spain haysteen dalkaasi.

Dhinaca kale, afhayeenka Madaxtooyadda dalka Filibiin, Salfadoor Panelo waxa uu sheegay inuu Dastuurka dalkaasi dhigayo in qorshahaasi la hor-dhigo Kongareeska dalkaasi, si ay sharci uga dhigaan, kadibna loo qaado cod-bixin, si ay dadka u oggolaadaan magac-bedelkaasi.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in magaca cusub ee uu Madaxweynuhu hindisay ee Maharlika ka turjumayso Aqoonsiga dadka Malaayaha ee ku nool dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *