Dawo – Madaxweynaha cusub ee Puntland oo ku dhawaaqay war ka nixiyay Dowlada Federaalka

 Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Doorashadii  shalay ka dhacday Magaalada Garoowe ee uu ku soo baxay iyo arrimo kale.

Madaxweynaha oo Wareysi siiyay Tv-ga BBC-da ayaa sheegay in Puntland uu qeyb weyn ka qaadatay dhisida nidaamka federaalka,isla markaana Puntland waxkasto ay ku bixisay lana xoojin doono.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay lagu doortay Magaalada Garoowe ayaa tilmaamay in Maamulka Somaliland ay ku soo xadgudubtay deegaano ka Puntland,isagoona sheegay in Somaliland looga baahan yahay inay dib uga laabato deeganaada ay Puntland ka soo gashay.

Sidoo kale Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Mowqifkiisa ku aadan Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedka dalka ka jira,waxaana uu sheegay in Golaha Iskaashiga loo sameeyay in ay danahooda uga wada Shaqeeyaan uuna qabo Dastuurka dalka.

Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ee ku aadan dhinaca Golaha Iskaashiga ayaa ku soo aadaya xili xubnaha ka tirsan Golaha Iskaashiga uu Khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Madaxd dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaana la aas-aasay Golaha 2017.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *