Macalinka West Ham oo kala doortay Modric iyo Messi iska iloow Ronaldo.

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Macalinka kooxda West ham United Slaven Bilić ayaa sheegay hadii lasiin lahaa lacago badan oo uu ku iibsan karo ciyaaryahano waaweyn in uu ugu horeyn lasoo saxiixan lahaa khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luca Modric, isagoona sheegay in uu Luca kahor marin lahaa mucjisada kubada cagta aduunka ee Lionel Messi.
Luca Modric ayaa kamid ah xidigaha ugu wanaagsan khadka dhexe, wuxuuna qaab ciyaareedkiisa sare u kac sameeyay markii uu 2012-kii kubiiray kooxda camaaliqada Spain ee Real Madrid isagoona uga soo biliary dhanka kooxda reer England ee Tottenham.
Slaven Bilić oo lahadlayay Mundo Deportivo oo laga leeyahay Spain ayaa yiri “haddii la isiiyo lacago badan, waxaa hubaal ah inaan lasoo saxiixan lahaa Lionel Messi”
“balse ugu horayn waxaan la saxiixan lahaa khadka dhexe kooxda Real Madrid Luca Modric, sababtoo ah wuxuu udhashay Crotia ana isla Crotia ayaan udhashay, waxaan isku fahmi


doonaa si fudud, qiimaha aan kula wareegi doono xitaa manoqon doono mid waali ah maadaama aan isku wadan kasoo jeedno” ayuu hadalkiisa ku xiray macalinka kooxda West Ham United Slaven Bilić oo ka hadlayay cida uu ugu horayn lasaxiixan lahaa Messi iyo Modric haddii la siiyo lacago aad ubadan oo uu suuqa kala iibsiga kugali karo.

Macalinkan ayaanan soo hadal qaadin dhaliyaaha sare ee kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo oo ah midka Messi kula loolama kubadda cagta waqti xaadirkan.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan 

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *