Macalinka Chelsea Antonio Conte oo taageero umuujiyay Arsene Wenger.

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa amaanay macalinka kooxda Arsenal Arsen Wenger kadib markii uu guul daro xanuun badan kala kulmay kooxda Bayern Munich.
Kooxda Gunners ayaa qarka usaaran inay iskaga harto tartanka Champions League maadaama 5 – 1 looga adkaaday, guul daradan ayaana sii kordhisay cadaadiska xoogan oo ay taageerayaasha kuhayaan macalinka reer France.
Macalinka Blues Conte ayaa taageerayaasha Arsenal ugu baaqay inaysan ilaawin waxyaabihii uu usoo qabtay kooxdooda.
Conte oo kahadlaya xaalada Wenger ayaa yir “ixtiraam weyn ayaan uhayaa Wenger, hadii ay ahaan lahayd ka shakhsi ahaan iyo ka mcalin ahaanba, waxyaabo cajiib ah ayuu sameeyay labaatankii sano ee lasoo dhaafay, welina waxyaabo cajiib ah ayuu samaynayaa”.
Antonio Conte oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “markii aad lawareegto


shaqada koox weyn, waxaad lakulmaysaa cadaadis badan, waxaa xaqiiq ah inuuyahay macalin aad uwanaagsan, sidoo kalena waxaa uu kamid yahay macalimiinta ugu wanaagsan caalamka”.
Macalinka Chelsea ayaa hadalkiisa kusoo xiray “waxaa uu haystaa koox weyn, mararka qaar waxaad lakulmi kartaa natiijooyin aan wanaagsanayn, balse ha ilaawin shaqooyinkii quruxda badnaa oo uu horey usooqabtay”.
Macalinka Chelsea Antonio Conte ayaana hadalkiisan waxaa uu taageere iyo niyad kaga dhigay macalinka reer France oo ay ku kaceen taageerayaasha kooxda Gunners.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *