Macalin Jose Mourinho muxuu ka yiri bandhiga Zlatan Ibrahimovic.

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Macalin Jose Mourinho ayaa ku dooday in bandhigga Zlatan Ibrahimovic ee xili ciyaareedkan uusan ahayn mid layaab ah, balse ay tahay mid laga filayay.
Ibra ayaa hat-trick (seddaxleey) dhaliyay kulankii Europa League oo ay la ciyaareen kooxda Saint-Etienne taasi oo gacanta sare siisay Morinho iyo ciidankiisa, sidoo kale xidiga dalka Sweden ayaa gool ka dhaliyay kooxda Blackburn Rovers oo ay xalay guul ka gaareen kadib markii uu bedel ku soo galay qaybtii labaad ee ciyaartii ka dhacday garoonka Ewood Park.
Kadib markii uu Zlatan si lacag la’aan ah uu xagaagii uga soo biiray kooxda PSG, waxaa uu kooxdiisa u


dhaliyay 24 gool tar tamada oo dhan, waana gool dhaliyaha xilli ciyaareedkan ugu sareeya kooxda Red Devils.

“Mar walba Xiriirka ciyaaryahanada tayada leh ayaa ah in lacaawiyo” ayuu Mourinho u sheegay saxaafada”.
Mou oo hadalkiisa siiwata ayaa ku soo xiray “Waan ogaa in Ibrahimovic uu kooxda u noqon doono ciyaaryahan muhiim ah, waa ciyaaryahan awooda inuu mar walba gool dhaliyo, sidoo kale waxaan ogaa in laqabsigiisa kooxda uu noqon doono mid cajiib ah”
Ibrahimovic ayaa lala xiriirinayaa kubiiritaanka kooxda Napoli marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga xagaaga, balse waxa uu dookh u haystaa in uu sanad kale ku kordhiyo heshiiska uu haatan kula jiro kooxda Manchester United.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *