Lacag lagu dul dhigay qof waliba oo galaya gudaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Shacabka ku nool magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug  ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya amar kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur .

Qoraal kasoo baxay maamulka Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur airport  ee magaalada Dhuusamareeb  ayaa lagu sheegay in qof waliba oo doonaya inuu galo garoonka diyaaradaha laga doonayo inuu bixiyo 10$.

Sido kale qoraalka ayaa lagu xusay in qof waliba oo doonaya inuu  booqdo ama uu dad soo dagaya soo dhaweeyo laga doonayo inuu maro hey’adaha amaanka iyo inuu bixiyo lacag dhan 10$.

Dadka heysta Tikidka ee doonaya inay ka dhoofaan garoonka ayaa la sheegay in wax lacag ah aan laga doonayn balse shuruudda lacagta ay tahay dadka u daawasho ama soo dhaweyn tagaya Garoonka.

 

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *