Kooxda Roma ayaa ku shaacisay shabakadeeda rasmiga ah inay la saxiixatay macalinka reer Talyaani ee Claudio Ranieri.

(DMN) : Talyaniga – Kooxda Roma ayaa ku shaacisay shabakadeeda rasmiga ah inay la saxiixatay macalinka reer Talyaani ee Claudio Ranieri.

Heshiiska Claudio Ranieri uu ku yimid kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa ah ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka, si uu u noqdo badalka Eusebio Di Francesco.

Magacaabista Ranieri oo soo hogaamiyay kooxda Roma inta u dhaxeysay 2009 ilaa iyo 2011 ayaa imaaneysa si loo hagaajiyo natiijooyinka xun ay kooxda ku soo jirtay tan iyo bilawga xili ciyaareedka ee ah kulamada dhamaan tartamada kala duwan.

Claudio Ranieri oo ka hadlayay dareenkiisa kadib heshiiskan uu la gaaray kooxda Roma ayaa wuxuu yiri:

“Ujeedkeena waa inaan helno natiijooyin inoo suuragalin kara inaan ka qeyb galno tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda”.

“Waan ku faraxsanahay inaan dib ugu soo laabto dalkeyga hooyo, marka ay Roma xiriir kula soo sameyso, suuragal ma ahan inaan dhaho maya”.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *