Koox hubeysan oo askari ka tirsan ciidanka dowladda ku dilay Suuqa bakaaro

Koox dhalinyaro  ah oo ku hubeysanaa Bistoolado  ayaa gudaha suuqa weyn ee  Bakaaro gaar ahaan Cabdalle Shideeye ku dilay askari ka tirsan ciidamada  Dowladda soomaaliya.

Kooxda dilka geysatay oo la sheegay in qaarka sare ee jirkiisa ay ku hubsadeen rasaasta ay ku dhifteen ayaa durba goobta ka baxsaday , waxaana sida caadada ahayd yimid ciidamo ka tirsan dowladda.

Xaaladda suuqa Bakaaro gaar ahaan aagga uu dilka askariga ka dhacay ayaa noqotay mid gabi ahaanba lagu kala cararay wallow uu dib hadda usoo laabtay.

Ciidamada dowladda soomaaliya oo goobta askariga lagu dilay yimid ayaa sameeyay baaritaan ku saabaan meydka Askariga .

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda soomaaliya  iyo maamulka gobolka Banaadir  arintan kama hadlin.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *