Jubbaland oo maalmo kadib si caro leh uga hadashay dil ka dhacay Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa maalmo kadib war kasoo saaray dilkii magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland loogu geystay Alle ha u naxariistee  Cabdulaahi Cabdisalaan Sheekh  Axmed  “Shig Shigow” maamulihii Bangiga Amal.

Kusimaha madaxweynaha maamulka Jubbaland sidoo kalana ah madaxweyne  ku xigeenka 2aad ee Jubbaland  ayaa u yeeray hey’adaaha amaanka Jubbaland  oo wax ka weydiiyay xogta ay ka hayaan dilka Maamilihii shirkadda Amal qeybteeda Kismaayo.

Wuxuu faray inay sii xoojiyaan baaritaanka dilkaas isla markaana cadaaladda la horkeeno kooxihii dilka Ganacsade Cabdulaahi  Cabdisalaan ka dambeeyay.

Ugu dambeyn wuxuu ka tacsiyadeeyay Geerida alle ha u naxariistee  Marxuum  Cabdulaahi Cabdisalaan  maamulihii shirkadda Amal ee Kismaayo oo ilaa hadda aanay jirin cid dilkiisa sheegatay.

 

Damqo

Xafiiska Muqdisho

Damqomedia@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *