Jose Mourinho oo shaqadii United laga Eryay

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah shaqada uga caydhisay tababare Jose Mourinho kadib markii ay kooxdu guuldaro 3-1 ah kala kulantay Liverpool Axadii.

Red Devils ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Man United ayaa go,aansatay in ay natiijadaas tahay midii ugu dambaysay iyaga oo go’aansaday in ay iska fasaxaan tababaraha reer Portugal.

 “Kooxda kubada cagta Man United ayaa ku dhawaaqaysa in uu tababare Jose Mourinho ka tagay kooxda isaga oo waliba si deg-deg ah uga tagay”,

Ugu dambeyn Kooxda Man United ayaa uga mahad celisay Jose Mourinho shaqadii adkayd ee uu u qabtay Kooxda intii uu joogay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *