Isku aadka rubuc dhammaadka koobka FA-ga

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Isku aadka rubuc dhammaadka koobka FA-ga

Xalay waxaa la shaaciyay isku aadka kooxaha u gudbay wareega rubuc dhammaadka koobka FA-ga.

Kooxda darajada hooseysa ee Lincoln City ayaa la dheeli doonta Arsenal ama Sutton United midkii caawa badiya.

Chelsea waxa ay martigelin doontaa kooxda Manchester United.

Tottenham


waxaa lagu aadiyay Millwall oo koobkaasi ka reebtay kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester City.

Middlesborough waxa ay garoonkeeda kula dheeli doonta Huddersfield ama Manchester City oo ciyaar ku celis ah ay dhexmari doonto 28-ka bishan.

Kulamada rubuc dhammaadka ayaa la dheeli doonaa inta u dhexeysa 11-13 bisha Maarso.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *