Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo si rasmi ah xilka Imaamnimo ee beesha Mudulood ula wareegay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah duubka Imaamnimo ee beesha  Mudulood  loogu Caleema saaray Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna kasoo qeyb galeen  Siyaasiyiin, madaxweynihii hore ee soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Saraakiil ciidan Senetor Muuse Suudi Yalaxoow, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee beesha Mudulood ayaa lagu caleemo saaray Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

Sidoo kale munaasabadda Imaamka maanta lagu duubay waxaa goob joog ka  ahaa khudbad aad u qiimo badana ka jeediyay Axmed Imaam  Cumar  oo adeer u ah Imaam Daahir  Imaam Maxamuud  oo xilkaas si rasmi ah ula wareegay.

Munaasabadda Calaama saarka ayaa waxaa khubado guubaabo iyo dar daaran ah ka jeediyay dhamaan duubabka beelaha ay ka koobantahay beel weeynta Mudulood Senetor Muuse Suudi Yalaxoow  iyo Madaxweyne  Cali Mahdi.

Waxyaabaha ugu horeeya ee laga filayo inuu Imaamka wax ka qabto ayaa lagu sheegay inay tahay dhex dhexaadinta beelaha walaalaha ah ee colaadooda kusoo laa laabatay degmada Cadale  iyo deegaanada kale ee hoosyimaada.

Munaasabadda  oo si qurux badan ku bilaabatay  isla markaana qaadatay saacado badan ayaa kusoo dhamaatay sidii loo qorsheeyay waxaana Imaam Daahir  Imaam Maxamuud  Imaam  Cumar   uu la wareegay xilka imaamnimo ee Beesha Mudulood  waxaana uu goobta ka jeediyay khudbadii xiritaanka oo uu beesha ugu duceeyay.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *