Howlgal qorsheysan oo xalay laga fuliyay degmo ka tirsan G/Banaadir

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Wartanabada ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen xaafado gaar ah ka tirsan Degmada Wartanabada,isla markaana ku baarayay guryo ku yaalla xaafadaha howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay ku qabteen tiro dhalinyaro ah kuwaas oo ay weeydiinayen Su’aalo dhowr ah,waxaana la sheegay in qaar kamid ah dhalinyarada la siidaayay,kadib markii wax dambi ah lagu waayay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijiyo amniga degmooyinka Gobolka Banaadir oo mararka qaarkood ay ka dhacaan dilal qorsheysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *