Hadal heyn ka dhalatay qoraal xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ka qortay qorshaha Xasan Cali Kheyre

Waxaa saacidihii ugu dambeeyay baraha bulshada iyo qarbaahinta qabsaday  hadal keyn ka dhalatay kulan shalay Nairobi  ku dhexmaray ra’iisul wasaarihii hore ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre  iyo xildhibaanada soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya.

Si gaar ah waxaa baraha bulshada  qabsaday  qoraal ay markii  dambo tirtay raali galina ay ka bixisay Senator  Falhada Deqow Iman oo ka tirsan baarlamaanka Kenya  oo qeyb ka ahayd xildhibaaanadii Kheyre kulanka la qaatay.

Qoraal ay barteeda Facebook  kusoo qortay ayaa ku faah faahisay ujeedka kulanka Kheyre  iyo xildhibaanada soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka  Kenya  oo ay iyada qeybta ka tahay.

Waxay  qoraalkeedaas ku sheegtay in Xasan  Cali Kheyre  uu Kenya weydiistay inay ka gacan siiso doorashada soomaaliya  si uu u qabto  xilka madaxweynenimo  ee Soomaaliya.

Waxay sheegtay inuu shaaca ka qaaday in hadii isaga la doorto uu ka shaqayn doono sidii uu dhameyn lahaa muranka iyo khilaafka labada dal u dhexeeya taasi badalkeedana ay yeelan doonaan xiriir wanaagsan oo darisnimo iyo is ixtiraam ku dheehan.

Hayeeshee  xildhibaanad Falhada ayaa qoraalkaas bogeeda Facebook  ka saartay waxaana ay bixisay cudur daar iyo raali galin ku saabsan faah faahinta ay bixisay .

Arintan  ayaa hadal heyn badan abuurtay waxaana  ay kusoo aadeysaa xilli magaalada Nairobi  ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed  oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Farmaajo.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *