Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo 4 Maalin kadib ka hadlay Qarixii Goof-gaduud

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii geerida dadkii ku geeriyooday Qarax ka dhacay Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay,waxa uuna Alle uga baryay dadkii halkaasi ku geeriyooday in jaxriistiisa jano uu ka waraabiyo intii ku dhaawacantayna uu Alle caafiyo.

Dadkan ayaa waxa ay waxyeelo kasoo gaartay ka dib markii makeeshiyaadka Al Shabaab ay miino ku aaseen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Deegaanka Goofgaduud halkaasna markii ay dadkii ku ganacsanayay isugu yimaadeen ay ku qarxiyeen,inta la igyahayna 9 ruux ayaa ku dhimatay dad kaloo sodomeeyo ku dhowna waa ay ku dhaawacmeen.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha amanka in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dhacdadaas dadka shacabka argagixisadu ay ku laayeen si dhagarqabaayshiii falkan ka dambeeyay cadaalada loo marsiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *