Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo saaray Amar deg deg ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan( Yariisow) ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu amray in laga guuro Xaruntii Ciidamada Badda iyo Guriga taliyihii Ciidanka Badda Soomaaliya oo ku yaalla degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir.

Eng Yarisow ayaa sheegay in markii uu arkay baahida deg dega ah ee loo qabo in safaaradaha iyo diblumaasiyiinta loo asteeyo goobo ay ku howlgallaan uu soo saaray Xeer dadka degan looga saarayo Xaruntii Ciidamada Badda iyo Guriga taliyihii Ciidanka Badda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in cid allaala cidii amarkaan jebisay ama diida tallaabo sharci ah laga qaadi doono, waxana uu sheegay in Xarumahaas ay Guryo waaweyn oo dabaqyo ah ay ka dhisteen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *