Farmaajo iyo Geelle oo xariga ka jaray Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya [Sawirro]

Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caaismadda Soomaaliya,waxaana uu kulan la qaatay dhiggiisa Madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *