Faah faahin : Dil Muqdisho loogu geystay mas’uul ka tirsan Gobolka Banaadir

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil degmada Kaxda ee gobolka Banaadir loogu geystay nin la sheegay inuu ahaa Gudoomiye Waaxeed iyo gabar la socotay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray  Ibraahim Colow Cali uu ahaa Gudoomiye Waaxeedka laanta Shanaad, Siinka Dheer ee degmada Kaxda.

Wararka dilka Gudoomiye Ibraahim Calow Cali ku saabsan ayaa sheegaya  sidoo kale lala dilay Faadumo Mataan oo la sheegay inay qeyb ka ahayd ololaha wacyigalinta cudurka CORONA VIRUS  ee degmada Kaxda.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in qof kale oo shacab ah oo la socday Faadumo Mataan iyo Ibraahim  Colow uu dhaawac soo gaaray .

Kooxdii dilka geystay  ayaa goobta ka baxsaday waxaana daqiiqado kadib soo gaaray ciidamada booliska oo durba goobtaas baaritaano ka bilaabay.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *