Everton oo bartilmaameed saneysa daafaca City Bacary Sagna.

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Kooxda Everton ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa xidiga daafaca xulka Farnce iyo kooxda Manchester City ee Bacary Sagna.

Kooxda West Ham United ayaa dhawaan soo bandhigtay xiisaha ay uqabaan xidigan daafaca ka ciyaara waxa ayna loolan adag kala kulmeysaa kooxda ka dhisan gobolka Mersey Side ee Everton waxaa sidaa qoraya warfidiyeenka 10 Sports.

Daafacan France


udhashay ayaa qandaraaskiisa Ettihad Stadium waxaa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan mana muuqdo rabitaan kooxda City ah oo ay ku dooneyso inay sii ceshato xidigeeda macalin Pep Guardiola ayaanan soo bandhigin qorshe uu xidigiisa heshiis waqti dheer ah uga saxiixayo.

Gaabiska macalinka kooxda ee heshiis kordhin la’aanta ayaa albaabada ufuraya xidiga inuu ku biiro kooxdii uu doono waxaana uu heystaa laba dooq isagoo kala xulan kara kooxda Hammers ama Toffees midkooda marka la gaaro suuqa soo socda ee dhamaadka xilli ciyaareedka.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *