EPL: Sanchez oo guul ku hoggaamiyay kooxda Arsenal

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Kooxda Arsenal ayaa ku garaacday Hull City garoonkaeeda Emirates kulan ka tirsan Premier League.

Kullanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu tala galay kusoo dhammaaday 2-0 oo ay ku badisay naadiga Arsenal.

Alexis Sanchez ayaa Hull City uga naxsaday gool uu gacanta ku dhaliyay daqiiqaddii 34-aad  waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada kooxood ayaa iska qasaariyay fursado wanaagsan oo goolal loo filan karay.

Hull


City  ayaa baadi goobtay sidii ay ugu yaraan u bar barayn lahayd ciyaarta laakiin Arsenal ayaa riggooro la timid daqiiqaddii 90’aad waxaana gool u badalay xiddiga Sanchez, xilli garoonka laga saaray Sam Clucas, markii loo taagay kaarka cas.

Sikastaba Arsenal ayaa iminka soo degtay kaallinta saddexaad kala sareynta Premier League, iyadoo hal dhibac ka sareysa Manchester City oo habeenka Isniinta la ballansan  AFC Bournemouth.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan 

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *