Dowladda Farmaajo oo wada qorshe ka dhan ah shacabka Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa  sameysay qorshe cusub oo ay ku dooneyso inay kù marin habaabiso shacabka Muqdisho  ee dhibanaha u ahaa dowladda  tan iyo markii madaxweyne Farmaajo  iyo kooxdiisa la magac baxday Nabad iyo Nolol ay xilka qabteen .

Wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho  oo sanadihii ugu dambeeyay xirnaa ayaa dib loo firay waxaana dhagxaabti ugu dambeysa xalay laga qaaday qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho  ugu mashquulka badan.

Taas badalkeeda dowladda ayaa xirtay wadooyin kale oo hor leh  gaar ahaan wadàda warshadaha oo hore u xirneyd waxaana xalay la dhoobay dhagxaanti wadooyinka gudaha magaalada  laga qaaday .

Shacabka degan aagagaarka wadada warshadaha ayaa saaka kusoo waa bariistay iyadoo gaadiidka uu yahay mid kala wareeg ah oo gabi ahaanba la xeray isgoysyada iyo jidadka soo gala wadada laamiga ah ah .

Tilaabadan oo noqotay mid dadka qaar dhib usii kordhisay ayaa hadana ah mid dadka qaar  ay nafis u arkaan maadaama dhibki ay qabeen laga dhaqaajiyay oo dadka kale lagu dhibayo.

Iyadoo dowladda  ay dhagxaan dhoobto wadooyinka Muqdisho sidoo kalana ay askar badan ka howlgal  ka galaan sugidda amaanka Ciidamada  ayaa hadana alshabaab waxay ka fuliyeen  dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Damqo 

Xafiiska Talyaaniga 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *