Dil ka dhacay Muqdisho & Al-shabaab oo sheegtay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo saakay agagaarka EX-contarol Afgooye ee Magaalada Muqdisho ku dilay askar ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen laba askari oo ka tirsana Ciidamada dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo xiliga uu dilka ka dhacayay ku sugnaa Ex.control Afgooye.

Sidoo


waxaa la tilmaamay in ragii ka dambeeyay dilka askarta durbo goobta ay baxsadeen,iyagoona hore u sii qaatay qoryihii ay lahaayeen Ciidamada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka askarta la dilay.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka lagu dilay askarta ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya ee saakay ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *