Dib u dhac ku yimid kulan maanta la filayay in uu yeesho Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka bisha January 2019, waxaa lagu waday in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,balse dib u dhac ayaa ku yimid.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa u codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo  Xeer Maamul Bankiga dhexe.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro kulanka,hayeeshee fariin kale ayaa loo diray oo ku aadan in kulankii uu baaqay,isla markaana uu qabsoomi doono Maalinta isniinta oo ay taariikhdu tahay 14/1/1/219.

Sababta uu u baaqay kulankii Maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya lama sheegin.

Dhinaca kale Xildhibaanada dilka dibadiisa ku maqan ayaa waxaa la faray in si deg deg ah dalka dib ay  ugu soo laabtaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *