Dhuusamareeb: wiil iyo aabihiis oo fal dhaawac ah isku geystay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya  in dhacdo yaab iyo amakaak ku abuurtay shacabka degmadaas ay maanta  la dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in aabo iyo wiil kiisa ay isku geysteen fal dhaawac ah kadib markii  is fahan waa uu soo kala dhexgalay.

Ka hor inta aysan is dhaawicin labadooda ayaa la sheegaya inay  murmeen taas oo markiìi dambe keentay in wiilka oo sida la sheegay madaxa looga jiray uu dhagax weyn aabihii kaga dhiftay qeybta sare ee ee madaxa.

Sidoo kale aabaha oo isna ka carooday falka uu wiilkiisa kula dhaqaaqay ayaa tooreey ku dhuftay wiilkiisa , waxaana labadooda oo dhaawac ah meesha ka qaaday qaar ka mid ah dadka deegaanka .

Dhaawaca labadooda ayaa Isbitaalka la dhigay si loo baxnaaniyo , waxaana arintan ay noqotay mid si aad aah maanta loo hadal haayo.

Damqo 

Xafiiska Muqdishò

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *