Dhowr Kaniisad oo la weeraray iyo kuwo kale oo la gubay

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa toddobo kaniisad ah la weeraray halka qaar kamid ah la gubay maalmihii lasoo dhaafay.

Kaniisadaha qaarkood ayaa gebi ahaanba uu burburiyay dabkaas,isla markaana waxa uu falkan ka dhacday deegaanka Alaba Kulito oo ku yaalla Koonfurta Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa ku warantay in weerarkan uu yimid kadib markii warar been abuur ah lagu baahiyay


bulshada,kuwaasi sheegayo in tiro Masaajido ah la weeraray.

Deegaankan oo ay ku badan yihiin Muslimiinta ayaa ahaa mid deggan marka laga reebo rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay.

Sanadkii lasoo dhaafay qeybo kamid ah Koonfurta dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ee halkaasi wada deggo,iyadoona ay ku barakaceyn tobonaan kun oo qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *