Dhacdo Naxdin leh:-Gabar 12-sano ah oo lagu Kufsaday Baladweyne

Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Macalin Dugsi uu kufsaday gabar 9-sano jir ah oo dugsigiisa dhiganaysay.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka gobolka hiiraan ayaa sheegay in falkaan uu ka dhacay Magaaladda,islamarkaana uu geystay macalin dugsi.

Macalinka falka geystay ayaa la sheegay in uu baxsaday,ayna ku raad joogaan Ciidamadda amaanka Magaaladda Beledweyne.

Dhanka kale Macalinka falkaan lagu eedeeyay ayaa sheegay in uu bari ka yahay eedeynta loo soo jeediyay,islamarkaana lasoo dhoobdhoobay arinta.

Kufsiga loo geysto gabdaha yar yar ayaa mudooyinkan kusoo batay Soomaaliya, dhowaan ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu kufsaday gabar 12 jir aheyd oo ka dibna la dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *