Dhacdadaan siyasadda Somalia ee gebidhacleyneeysa . Sida u aragtan wa muhiim

wa muhiim
*Sheekh Shariif iyo Keenista Laacibiinta Siyaasadda*

– Dhawaan ayuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho shir-jaraa’id ku qabtay sheegay in madaxweynaha xilka haya Maxamed Farmaajo oo socota ah uu magacaabay! Waxaanu shaki ku jirin in marka Sheekhu sidaa leeyahay uu caraysnaa kana xumaa fal maamus-darro ahaa, xad-gudubna ku ahaa xoriyaddiisa muwaadin ahaan iyo hogaamiye siyaasadeed ahaanba.

– Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu hadal noocan oo kale ah ku yiri koox saaxiibadiisa siyaasadda ah bartamihii bishii June 2011, kadib markii ay ugu tageen waan-waan lagu hor-istaagayo xil-ka-qaadista ra’iisal-wasaare Farmaajo, taasoo daba-socotay heshiis Kampala ay ku soo gaareen, madaxweyne Sheekh Shariif, ra’iisal-wasaare Farmaajo iyo gudoomiyihii baarlamaanka ee xilligaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, heshiiskaas oo uu gar-wadeen ka ahaa madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

– Laacibkii cusbaa ee aanan laga garanaynin masraxa siyaasadda ee uu Sheekh Shariif magacaabay 14 Oktoobar 2010 maanta waa madaxweyne! Dowladda uu hogaamiyana waxa ay sheeganaysaa inay dalka u horseeday guulo badan, waxayna leedahay taageerayaal qiraya inay jiraan guulahaas, sidoo kale waxaa jira guul-darooyin badan oo isugu jira dhanka xasiloonida siyaasadda, amniga, maamulka, dhaqaalaha iyo ku hafasho duufaannada siyaasadeed ee ka jira gobolada Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Mucaarado xooggan oo diiddan siyaasadaha hogaamineed ee madaxweynaha oo heer federaal iyo mid maamul-goboleedba leh iyana waa jirtaa.

– Madaxweyne Farmaajo ayaa sida saaxiibkii Sheekh Shariif masraxa siyaasadda ku martiqaaday laacib cusub, abaalna gashaday xaafad cusub. Adduunyaduna waa harka labadiisa galine, waxaan rajaynayaa in *timaaddada* dhaw aanay dhicin sheekada ninkii indhaha la’aa oo willkiisu inta meel cidla ah keenay yiri: Waan kuu soo laaban aabbo ee halkan igu sug, kadibna odagii weydiiyay wiilkiisa: Maandhow meeshan waa halkee? Markii uu u sheegayna, yiri: Orod iska tag soo laaban mayside, waa halkii anigu aan aabahay kaga dhaqaaqay oo uu dhurwaagu ku cunay!

– Arrinka xiisa leh ma ah doodda la xiriirta fal-celiska Sheekh Shariif iyo fal-celis la’aantiisa iyo midkii haboonaan lahaa, ee arrinka doodda mudan ayaa ah abaal-gudka uu mudan yahay Sheekhu. Ma waxaa lagu abaal-marinayaa inuu sabab u ahaa inuu Soomaalida baro hogaamiyihii ay u baahnaayeen ee ku habboonaa xilligan, mise waxaa lagu dhaliilayaa in laacibkii uu siyaasadda soo geliyay aanu aflixin, cabasho badanna ay ka imanayso saluug badanna lagu qabo?

– Kedisada siyaasadda Soomaaliya ayaa keentay in Sheekh Shariif oo masraxa siyaasadda ka soo muuqday 2006 uu dalka ka noqdo madaxweyne 2009, sidaana uu ku dhaxlo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo 35 sanadood ay ku qaadatay inuu ku fariisto kursiga madaxweynaha Somaaliya.

– Xulashadii madaxweyne Sheekh Shariif uu xushay Cumar Cabdirashiid waxa ay ahayd xil-kasnimo siyaasadeed oo ku salaysan aragti fog, taasoo ka soo horjeedday dedaallo ay bixinayeen dad talo ku lahaa hogaamintiisa oo arkayay inta daqaraddii madaxweyne Cabdullahi Yuusuf muuqdaan, xaafaddiisa la baal-mariyo xilka ra’iisal-wasaaraha. Inkasta oo tallaabadaasi horseedday in laga gudbo colaadihii siyaasadeed ee dhiiga badani ku qubtay, iyada oo aanay awoodda isku koobin qolo keliya ee si wadaag ah loo dhisay dowladdii uu hogaaminayay Sheekh Shariif, haddana daalkii uu madaxweynuhu ka qaaday dhex-ku-jirkii siyaasadeed ee uu la cayaaray ra’iisal-wasaare Cumar iyo guddomiye Shariif Xasan ayaa keenay in Sheekhu dib ugu laabto taladii uu horay uga biyo-diiday.

– Waa xilligan marka la baadi-goobayo laacib siyaasadeed oo aan ka iman xaafaddii hore. Baadi-goobkan ayaa waxaa si xooggan hoosta uga riixayay xoogag dagaal gobeed leh, siyaasad ahaanse hungoobay, hammuunna u qaba in laacibka imanaya uu noqdo mid ay ood-wadaag yihiin oo ay jiibta iyo jaanta isla heli karaan. Ugu yaraan 7 qof ayuu Sheekhu xiriir la sameeyay, la kulmay, qaarkoodna diyaarad uu Muqdisho ugu safrayay horay ugu sii qaaday, ugu dambayntiina ninkii ugu da’da yaraa, galaangalka siyaasadeed iyo fahamka uu u leeyahay duruufaha murugsan ee dadka iyo dalkana ugu hooseeyay ayay ishaaradu ku dhacday.

– Magacaabista ra’iisal-wasaare Farmaajo kadib, marxalad cusub ayaa u bilaabatay Sheekh Shariif, wuxuuna dhex-ku-jirkii siyaasadeed uga siibtay gudoomiye Shariif Xasan. Culeysyo badan ayaa ka fududaaday, waxayna hawlihiisii ugu fuleen jikaar la’aan, haseyeeshee aqoontii koobneyd ee ra’iisal-wasaaruhu u laha duruufaha dadka iyo dalka iyo xaaladihii adkaa ee ay waajahasay siyaasaddii gebi-dhaclaynaysay, iyo xariiftinimadii siyaasadeed ee Shariif Xasan ayaa keentay in ra’iisal-wasaaruhu si fudud uga dego tareenkii uu sida fudud ku soo raacay. Inksata oo xoogagii ood-waddagga ahaa ee hoosta ka riixayay ay isku dayeen in ra’iisal-wasaaruhu la yimaado iska-caabin, kana faa’iideysto kacdoonkii dadweynaha ee diiddanaa arrin ugu muuqatay fal-xaasid oo lagu dhicisaynayo rajada curdanka ah ee u soo muuqatay, waase lagu guuleysan waayay arrinkaas.

– Mas’uuliyadda dhacdooyinkan oo saddex geesood ah waxa ka soo if-baxay labo arrimood oo qatartooda leh, kuna soo laalaabtay siyaasadda dalka heer federaal iyo mid maamul-goboleedba. Waa midda koowaade in xaafadaha qaarkood ay dareemeen gees-riix siyaasadeed oo aan ku salaysnayn dood maangal ah, iyadoo marka horaba hag-badda siyaasadeed ee aanay qeybta ka ahayn bulshada Soomaaliyeed badankeedu ay tahay caddaalad darro, iyo midda labaad oo ah dhaga-nuglaanta, baarrinimada iyo fahamka kooban ee qofka la xulanayo uu ka qabo duruufaha dadka iyo dalka, taasoo sahlaysa in marka qofka caynkan ah uu xil-hogaamineed qabto loo adeegsado fulinta dano gaar ah oo kooban oo aan waxba ku soo kordhinaynin hannaanka dib-u-heshiisiinta iyo dowlad dhiska dalku u baahan yahay, balse uga sii dara culaysyadii markii horaba jiray.

– Xaafadaha qaar ayaa ku doodaya in sidii ay saaxiibadood ugu liseen aanan loogu hambayn, qaar kalana waxa ay ku doodayaan in hogaanka sare yahay biyo-ma-daadshaan ee xasaradaha taagan meelo kale laga maleegayo, halka qaar kale ay sheegayaan in dhacdooyinkii hore ay xaal ka bixiyeen, kadib markii dabkii ay diirrimaad ahaan u shiteen ay ku gubteen, kuwaasoo dhamaantood ah hadaaq aan macno samaynaynin oo salka ku haya aragti gaabni.

– Waa hawl u taalla indheer-garadka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed kala doorashada in siyaasadda dalka lagu hogaamiyo dhaqanka gedislayda, kaasoo horseedaya in hogaamiyihii iyo dadkii uu hogaaminayayba u af-duubnaadaan dano gaar ah, hay’adihii siyaasadeed ee loogu talo galay inay isla xisaabtamaan oo is dheelitiraanna laga dhigo kuwa is daba-yaal, hal meelna talada ka suga ama ay noqdaan sida uu ku tilmaamay siyaasi xaaladda saluugsan “Nin iyo hooskiis” iyo in lala yimaado feker siyaasadeed looga gudbo duruufaha ka dhashay dhaqanka gedislayda, saamilayda siyaasadduna wada gardaadiyaan dimuqraadiyadda socod-baradka ah, ilaaliyaana xeerarka dheesha siyaasadda.

Wood Hussein

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *