DEG DEG:-Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay qeybo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay laami yaraha Soobe.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo Gaari nooca Raaxada ah,isla markaana waxa uu ku qarxay xili uu marayay laami yaraha Soobe ee Degmada Wadajir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in goobta uu qaraxa ka dhacay ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska,iyagoo halkaasi xiray.

Rasaas ayaa la maqlay markii uu qaraxa dhacay kadib,lama Oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *