(DAAWO-SAWIRRO)–Madaxweyne Cosoble- “Waxaan Hirgalineynaa Garoomo Casri Ah Oo Kubadda Cagta Ah”

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble  iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulkaasi ayaa ka qeyb galay tartan ciyaaraha kubadda cagta oo lagu dhiiro gelinayay nabadda iyo isdhexgalka bulshada taasi oo ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taratankan ciyaaraha kubadda cagta ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya kooxo ka dhisan magaalada Baladweyne waxaana u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah taasi oo dhiiro gelin u noqonaysa isdhexgalka bulshada iyo sugidda amniga magaala.

Dr  Cali Cabdullahi Cosoble ayaa koobka guddoonsiiyay Kabtanka Kooxda Kubadda cagta ee Raadeerka oo ah kooxda qaaday horyaalka Magaalada Beledweyne, iyadoo kaga adkaatay 2-3 Kooxda Waaberi, waxaana tartankani oo waayihii dambe socday wada ciyaaray 20-kooxood oo kala matalayay xaafadaha Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble ayaa lahadlay dadweynaha iyo ciyaartoyda.

“Waan ku faraxsanahay in aan idin kala qeybgalo ciyaartan xiisaha badan, waxay runtii daliil u tahay sida bulshada gobolka Hiiraan ay ugu diyaarsan yihiin xoojinta amniga iyo sidhexgalka bulshada, waxaana ka qeyb qaadan doonaan horumarinta


ciyaaraha nuucaan ah ” ayuu yiri madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa sheegay garoonka lagu ciyaarayay in ay horumarin doonaan oo garoon casri ah ay ka dhigi doonaan oo darjiimo, iyo roog Coos ah lagu qurxin doono, waxaana uu xusay in ciyaartoyda Hirshabelle tababaro lagu horumarinayo isportiga u sameyn doonaan mishaaraadna ay heli doonaan si loo dhiira galiyo Dhalinyarada Kubada Cagta ah, waxaana uu u hambalyeeyay kooxdii Koobkaasi hantisay
ee Raadeerka.

TABIYE: Hassan Ahmed Hassan 

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *