Cristiano Ronaldo oo Maanta qoyskiisa kula dabaal degay dhalashada Sanad Guuradiisa

(WARARKA-Damqo.com)

Weeraryahanka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa Axadii u dabaal degay Sanad Guuradii 32 aad ee ka soo Wareegtay Markii uu dhashay Waxaana uu Xaflada lawadaagay qoyskiisa sida Wiilkiisa iyo Hooyadiis,

Dabaal dega dhalashada Cristiano Ronaldo ee Sanadkii 32 aad ayaa ku soo beegantay Maalinkii ay baaqatay Cayaartii ay ladheeli lahaayeen Celta Vigo waxaana Xidigaan u hambalyeeyey qaar badan oo ka mid ah Cayaartoyda u


dheesha Real Madrid iyo kuwo kale oo Caalamka ah.

Ronaldo ayaa bartiisa bulshada soo dhigay Sawir isaga wiilkiisa iyo Hooyadii oo uu horyaalo Tootihii loogu tala galay dhalashada Xidigaan oo u dabaal degay Sanad Guuradiisii 32 aad.

Sidoo kale isla Maalinkii Axada Waxaa isna u dabaal degay Sanadguuradii 25 aad ee ka soo Wareegtay Maalinkii uu dhashay Xidiga Kooxda Barcelona ee Neymar kaas oo ay hambalyo u direen Cayaartoyda ay isku Naadiga yihiin.

 TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *