Ciidamadii ugu badnaa ee Puntland oo isaga baxay Gobolka Bari

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa degaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa Maanta isaga soo baxay halkaasi.

Ciidamadan oo ka kooban Booliis iyo Daraawiish ayaa gaaray tuulada Jimbac oo qiyaastii 28 km dhanka bari kaga beegan degaanka Afurur ee isla gobolkaasi Bari sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sababta ay Ciidamada halkaasi uga baxeen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay mushahar la’aan in mudda ah heysatay.

Wasaaradda amniga Puntland iyo saraakiisha ciidamada ayaan dhankooda weli ka hadlin bixitaanka ciidankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *