Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgal ka dhan ah alshabaab iyo Daacish

Ciidamadda Badda maamulka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyo deegaano ka tirsan gobolada Sanaag iyo Bari kaas oo la sheegay in lagu baacsanayay dagaalyahanada ururada alshabaab  iyo Daacish .

Saraakiisha ciidamada booliska Badda Puntland  ayaa sheegay inay heleen xogo ku saabsan in daacish ay qorsheyneyso ay gobolka Bari ka fuliso weeraro halis ah oo ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada .

Sidoo kale waxay saraakiisha sheegeen inay heleen xog kale oo ku saabsan qorshe alshabaab ay ku doonayaan inay hub kala soo dagaan xeebaha gobolada  Bari iyo sanaag taas oo halis ku ah maamulka Puntland  iyo guud ahaan Soomaaliya.

Deegaanada Togga Warbad ,Sanqalooc , Beeraha hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo cad, Wadada Habaarwaali iyo Dhagcaan oo dhammaan ka tirsan dhulka xeebta teedsan ee Gobolada Bari -Sanaag ayay ciidamadu ka fuliyeen howlgalkooda.

Saraakiisha ciidamada badda ee howlgalka  fuliyay waxay sheegeen inay tageen deegaano badan oo ay alshabaab iyo daacish  isaga carareen kadib markii ay ka war heleen inay kusoo wajahanyihiin ciidamada Puntland.

Ururka alshabaab iyo  dagaalyahanada ururka Daacish  ayaa ku sugan qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland oo ay xiliyada qaar ka fuliyaan weeraro qorsheysan.

damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *