Calhanoglu oo ciyaaraha looga ganaaxay meel kaga dhac qandaraas

MUQDISHO-(WARARKA-Damqo.com)

Hakan Calhanoglu oo u dheela kooxda Bayer Leverkusen ayaa ciyaaaraha laga mamnuucay afar bilood, isaga oo lagu helay in uu qandaaraas ku xad gudbay.

Kooxda Trabzonspor ee dalka Turkiga ka dhisan ayaa Fifa dacwad u gudbixsay sanadkii 2013kii taas oo ku saabsanayd in Calhanoglu uu heshiis kula galay in kaga soo biiro kooxda Karlsruhe sanadkii 2011kii, laakiin Jermalka ayuu sii joogay.

Hay’adda maamusha kubadda cagta Adduunka ee Fifa ayaa go’aamisay in Calhanoglu uu u gafay kooxdaTrabzonspor, balse racfaan uu ka qaatay maxkamadda caalamiga ah ee ciyaaraha ayaa go’aankaas waxba kama jiraan ka soo qaaday.

Calhanoglu, oo 22 jir ah ayaa hadda seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waxaana waajib


ku ah in uu kooxda Trabzonspor siiyo 100,000 oo lacagta Yuuroo ah.

Rudi Voeller oo madax ka ah Leverkusen ayaa sheegay in kooxda aysan “ka daadagaynin” go’aankaas wuxuuna intaas ku daray in ay dhib wayn ku tahay iyaga iyo Hakan.

Voller 56 jir ah ayaa sheegay in Leverkusen ay la kulantay ciqaab aysan shuqul ku lahayn.

Marka kooxda Trabzonspor, ay rabtay in ay la soo wareegto Calhanoglu wuxuu jiray 17 sano wuxuuna ka tagay Karlsruhe balse wuxuu ku biiray Hamburg 2013kii, ka hor inta uusan Leverkusen u wareegin 2014kii.

Calhanoglu, oo todobo gool u dhaliyay Leverkusen xilli ciyaareedkan wuxuu seegi doonaa ciyaar ka tirsan Horyaalka Yurub oo ay la yeelan doonaan Atletico Madrid, waxaa sidoo kale laga mamnuucay in uu u safto qarankiisa Turkiga oo ciyaar Koobka adduunka loogu soo baxayo la leh Finland 24 bisha saddexaad.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *