Benfica oo ka adkaatay Borussia Dortmund xilli uu rigoore qasaariyay Aubameyang.

MUQDISHO-(CAYAARAHA-Damqo.com)

Ciyaar yahan Kostas Mitroglou ayaa kooxdiisa Benfica siiyay goolka kaliya ay kaga adkaatay dhigeeda Borussia Dortmund lugta hore wareega 16-ka ee Champions League.

Labada koox ayaa sameeyay fursado ay gool ku dhalin kareen waxaana ay qeybtii hore ku kala nasteen bar-baro gool la’aan 0:0 ah.

Qeybtii dambe ee ciyaarta ayuu Gool dhaliyay ciyaar yahan Mitroglou waxaana uu ahaa kubad uu caawinteeda lahaa


ciyaar yahan Luisao.

Kooxda Borussia ayaa heshay kubad rigoore aheyd daqiiqadii 58-aad qeybtii dambe ee ciyaarta waxaana ka qasaariyay weerar yahankooda Aubameyang.

Weearar iyo rogaal celis badan kadib , ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1:0 oo ay ku adkaatay kooxda Benfica waxaana harsan kulan kale oo ay labada koox ku kulmayaan garoonka Borussia Dortmund ee Signal Iduna Park.

TABIYE: Xassan Axmad Xassan

Damqo.com

XAFIISKA: Damqo muqdisho-somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *