Beesha Sheekhaal oo baaq u dirtay Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar

Odoyaasha iyo waxgaradka Beesha Sheekhaal ayaa si wayn u cambaaraysa talaabada madaxweyne dowlada degaanka Somaalida Mudane Mustafe Muxumad Cagjar uu uga reebay shaalaqe Xalane Cabdullahi Xaaji korneelada la magcaabay ee ciidanka gaarka ah ee Liyuu Police-ka.

Odoyaasha beesha ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in la duudsiiyo booskii ay ku lahayeen ciidamada gaarka ah ee dowlada degaanka Somaalida ee Liyuu Police-ka.

Shalaqe Xalane


Xaaji ayaa ka mid ahaa shalaqayaashi ugu horeeyay ee u soo halgamay dowlada degaanka Somaalida kana soo qayb qaatay dadaalada lagu nabadaynayay deegaanka.

Mr Xalane ayaa sidoo kale ah shaqsi si wayn ay u jecelyiin shacabka dowlada degaanka Somaalida isagoo sidoo kale lagu xasuusto dadaalo badan oo uu ugalay in la yareeyo dhibaatada dowladi Cabdi Maxmuud Cumar ay ku haysay shacabka deegaanka.

Ugu dambayn waxgaradka beesha sheekhaal ayaa ka codsaday madaxweyne Cagjar in uu siiyo booski ay ku lahayeen ciidamada gaarka ah ee Liyuu Police-ka.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *