Beesha Mudulood oo maanta caleema saareysa Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Waxaa maanta lagu wadaa in beelweynta  Mudulood  ay Imaam Daahir Imaam Maxamuud  Imaam Cumar u caleema saarto xilka imaamnimo ee beesha .

Imaam Daahir Imaam Maxamuud ayaa badalaya allaha u naxariistee Aabihii Imaam Maxamuud  Imaam Cumar oo isagoo imaamka Beesha ah geeriyooday  12 ki May 2011 di.

10 kii sano ee ugu dambeeyay ayaa waxaa xilka imaamnimo ee Beesha Mudulood   si KMG ah u hayay Imaam Maxamed Yuusuf oo ka mid ah qoyska reer Imaam balse xilkaas aanan dhaxaltooyada u lahayn.

Muqdisho iyo guud  ahaan  meel waliba oo ay joogaan beelweynta Mudulood waxaa ka soconaya qaban qaabada soo dhaweynta Imaamka beesha Mudulood  oo laga filayo inuu la yimaado waxqabad muuqda  .

Imaam Daahir  Imaam Maxamuud  Imaam Cumar  oo ah shaqsi dhaxal u leh xilka maanta loo caleema saarayo ayaa ah nin Dhalinyaro ah oo dadka sida wanaagsan u yaqaana ay sheegeen inuu yahay shaqsi fur furan oo leh karti maamul iyo dulqaad hogaamineed.

Allaha u naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar  oo ahaa Imaamka beesha  Mudulood  ayaa 12 ki May 2011  ku geeriyooday magaalada Nairobi  ee caasimadda Kenya  halkaas oo lagula tacaalayay xanuun soo wajahay Imaamka, waxaana maanta xilka Imaamnimo  si rasmi ah ula wareegaya wiilkiisa  Imaam Daahir kadib muddo 10 sano ah oo uu si KMG ah u hayay Imaam Maxamed  Yuusuf  oo aanan xilkaas dhaxal u lahayn hayeeshee ka mid ahaa qoyska boqortooyada reer Imaam .

Damqo 

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *