Askarigan lagu dilay Degmada Dharkiinley ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay oo Haramcad ka tirsan oo dil loogu gesto Dagmada DHARKEENLEEY

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lagu dilay askari ka tirsanaa booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano (Haramcad).

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Muraad Cabdullaahi Jibriil ayaa waxaa caweysnimadii xalay ahayd lagu dhex toogtay maqaaxi uu fadhiyay, oo ku taala agagaarka Dhismaha Xaaji Gaabow ee Degmada Dharkiinley.

Goobjooge ayaa sheegay in laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay gudaha u soo galeen maqaaxidaasi, deetana ay si lama fillaan ahayd rasaas u huwiyeen askarigaasi.

Goobjoogaha oo codsaday inaanan Warbaahinta magaciisa loo adeegsan ayaa intaa ku daray in falkaasi ka dib, ay goobtaasi isaga baxsadeen dhagar-qabayaashii dilka gaystay.

Ciidamada Booliska ee Degmada Dharkiinley oo halka uu falku ka dhacay gaaray ayaa ka sameeyay baaritaan, oo aynaan jirin cid ay ku soo qab qabteen.

Muraad Cabdullaahi oo saddex iyo labaatan jir ahaa ayaa sanadkii 2018 ku biiray Ciidanka Booliska Somaliya, inkastoo markii dambe lagu biiriyay Booliska Haramcad.

Xoogaga Haramcad oo tiradooda lagu qiyaaso kun askari ayaa waxay u badan yihiin Ciidamadii NISA ee hubeysnaa, markii dambena lagu biiriyay Booliska Gobolka Banaadir, waxaana ku jira xubno kal hore ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

Haramcad oo loogu talagalay ka hortagga rabshadaha, ayaa tababar gaar ahi ku qaatay Saldhiga Turkigu ku leeyahay Magaalada Muqdisho ee Turksom.

Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) waa Taliyaha Ciidamada Haramcad. Farxaan Qaroole ayaa horey isugu soo dhiibay Dowladda Federaalka, ka gadaal markii uu ka soo goystay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Askarigan lagu dilay Degmada Dharkiinley ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay oo Haramcad ka tirsan, laguna dilo degmadaasi, tan iyo markii ciidamadaasi la aasaasay laba sano horteed.

 

     Xafiiska damqo Media
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *