Ammaanka Paris oo si aad ah loo adkeeyay, ka hor furitaanka Tartanka Euro 2016 (Sawirro)


Some data recovery software

Today we will show you some data recovery software. If you are looking for a Computer user  you do not find who made the mistake once and deleted some important File. We can compare it with a fatal accident. After the incident occurred, and thes… Read more

June 10 (Jowhar)— Ammaanka magaalada Paris ayaa si aad ah loo adkeeyay, ka hor furitaanka ciyaaraha Qaramada Yurub ee Euro 2016 oo ay marti gelineyso Faransiiska.

Kuxigeenka Duqa magaalada Paris Patrick Klugman ayaa xaqiijiyay in tallaabooyin dhinaca ammaanka ah lagu soo kordhiyay Tartanka Ciyaaraha Euro 2016, isagoo taageerayaasha xulalka ugu baaqay inay ka shaqeyaan amniga.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga ayaa la dhigay garoomada ay ka dhici doonaan ciyaaraha, waxaana tani ay ka hor-tag u tahay weeraro argagixiso oo laga yaabo in lagu qaado Tartanka Euro 2016.

Garoonka kubadda cagta ee Stade de France ayaa ka mid ah goobaha ammaankooda la adkeeyay, waxaana banaanka garoonka lagu arkayaa ciidamo fara badan oo sugaya Amniga.

Furitaanka Koobkae Qaramada Yurub ayaa laga yaabaa inay hareyso shaqo joojinta ka jirta Faransiiska, taasoo sababtay in qashin badan uu ku uruuro waddooyinka Caasimada Paris, iyadoo darawalada Tareenka ay ku hanjabayaan inay shaqo joojin sameynayaan.

Dowladda Faransiiska ayaa dib u habeyn ku sameysay sharciga shaqaalaha, taasoo keentay in shaqaalo badan ka gadoodaan.

Wasiirka gaadiidka,Alain Vidalies ayaa ku hanjabay inuu ku qasbayo darawalada tareenada inay ku soo laabtaan shaqooyinka si taageerayaasha u gaaraan cayaarta.

Bishii November ee sandkii 2015 ayaa waxaa banaanka garoonka Stade de France isku qarxiyay saddex mintidiin ka tirsanaa kooxda IS, xilli ay socotay ciyaar saaxibtinimo dhex mareysay xulalka Fransiiska iyo Jarmalka.

Ciyaarta furitaanka ee caawa dhici doonta ayaa waxaa isaga hor imaanaya Xulka France iyo Romania, iyadoo la qaban doono munaasabada lagu furi doono tartanka Euro 2016, waxaa ka qeyb geli doona Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande iyo madax kale.

Tartanka Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona illaa 24 xul oo loo qeybiyay illaa shan Group.
paris6

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *