Akhriso:-Khasaaro ka dhashay dagaal culus oo weli ka socda Gobolka Sh/dhexe

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dagaal beeleed weli ka socda tuulo hoostagta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, dagaalkaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo isku-heysta dhul deegaanada lagu dagaalamayo ku yaalla.

Dagaalka ayaa waxaa uu weli ka socda deegaanka Burdheere ee duleedka degmada Cadale,waxaana wararka hordhaca ah ee nasoo gaaraya ay sheegayaan in ilaa 20 Ruux ay ku geeriyoodeen  dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Deegaano horleh oo ka tirsan degmada Cadale ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkas uu kusii fiday, iyada oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in weli maqlayaan rasaas goos goos ah,isla markaana aysan jirin cid kala dhexgashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *