Akhriso:-Kal-fadhiga 4-aad ee Aqalka sare oo la soo xiray & Sanetaradda oo fasax galay

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu soo xiray Kal-fadhiga 4aad ee Aqalka Sare ee dalka.

Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare ee dalka kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho 5-ta bishaan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in Kal-fadhiga 4aad ee Aqalka Sare uu xirmi doono 10-ka Jannaayo oo ku beegan Maanta.

Wareegtada ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa waxaa dhammaan Sanetaradda Aqalka Sare loogu wargeliyay in  Kal-fadhiga 4aad  ee Goluhu uu


10-ka Jannaayo,isla markaana loo asteeyay in Kal-fadhiga 5aad ee Golaha Aqalka sare uu furmi doono taariikhdu markii ay 10-ka Maarso 2019.

 

Hoos ka Akhriso Warqada lagu fasaxay Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *