Akhriso – Illaa 10 Xildhibaan ayaa saxiixay soo jeedin ku saabsan heshiisyada lala galay dalalka shisheeye

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyada iyo is afgaradyada lala galay dalal shisheeye.

Illaa 10 Xildhibaan ayaa saxiixay soo jeedin ku saabsan heshiisyada lala galay dalalka shisheeye, intii uu xilka hayay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo laga codsaday Guddoonka inuu furo dooda ku saabsan heshiisyadaas.

Tiro ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is afgaradyada dowladda Federaalka la gashay dalal shisheeye.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin 10 ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay


Guddoonka Golaha,waxaana ay ka dalbadeen inuu furo dooda ku saabsan heshiisyada ay dowladda hadda jirta la gashay dalalka Shisheeye.

Qoraalka Xildhibaanada soo saareen ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa in aan Shacabka Soomaaliyeed lala wadaagin heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya.

Aqriso Warqada ay Soosaareen Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *