Akhriso:-Axmed Baasto oo ka hadlay Doorashadii Puntland

Madaxweynaha maamulka Galmudug garabka ku sugan Magaalada Cadaado Axmed Maxamud Xasan (Baasto) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee shalay la doortay.

Axmed Baasto ayaa bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Go’aankii geesinimada aheyd  ee ku doorteen Madaxweynaha cusub ee Puntland ee 5-sano ee soo socota hogaamin doono.

Madaxweynaha maamulka Galmudug garabka ku sugan Magaalada Cadaado ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay inay la shaqeyan Madaxweyne Saciid Deni,


markaana ay garab istaagaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Axmed Baasto  ayaa Alle ugu baryay in uu u fududeyo Madaxweynaha cusub gudashada xilka culus ee loo doortay.

 

Hoos ka Akhiso war kasoo baxay Xafiiska Axmed Baasto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *