Dowladda Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta deeq la gaartay waloow ay la daahady

Dowladda Somaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta deeq ay ugu tala-gashay shacabka reer Berdaale gaysay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guddiga Gurmad Qaran oo deeqdaan ka diray Magaalada Muqdisho ayaa diyaarad ku geeyay Magaalada Baydhabo, iyadoona ay ku wareejiyeen Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Deeqdan ayaa isugu jirta teendhooyin, mara kaneeco iyo malmalaato, waxayna bilow u tahay gurmadka ay Dowladda Somaliya ugu tala-gashay in la gaarsiiyo shacabka ku barakacay fatahaadaha ka jira Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Wasiirka Gargaarka Maaraynta & Musiibooyinka Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruusha ayaa sheegay in tani ay tahay mid loogu tala-galay dadka ka barakacay Degmada Beraale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in deeqda ay uu daabuli doonaan Degmadaasi Berdaale, si loogu qaybiyo dadka ka barakacay halkaasi oo guryo cooshado u badan ka samaystay duleedyada Berdaale.

Fatahaadaha halakeeyay Degmada Berdaale ayaa waxay ka dhasheen roobab xoogan oo ka da’ay Gobolka Baay.

  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *