Weerar Caawa lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha Degmada Dayniile - damqo

Weerar Caawa lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha Degmada Dayniile

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Caawa weerar xoogan ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Weerarkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Guriga Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho,iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen


in Weerarka ay ku geeriyootay hal ruux oo gabar aheyd,halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo kamid ahaa ilaalada Guddoomiye Jacfar.

Sidoo kale waxaa la sheegay inta uu weerarka socday wax yar hakad uu galay Ganacsiga iyo isku socda dadka,waxaana markii weerarku istaagay dib uu u soo laabtay.

Dhinaca ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Dayniile oo ay uga hadlayan Weerarkii Caawa lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha Degmada Dayniile  Maxamed Abuukar Jacfar.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register