Weerar Bam Gacmeed ah oo lagu qaaday Xarun degmo ka tirsan Gobolka Banaadir - damqo

Weerar Bam Gacmeed ah oo lagu qaaday Xarun degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo galabta weerar bambaano ah ku qaaday Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Waxaa la sheegay in dhowr bambaano ay ku dhaceen gudaha Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid,isla markaana geysaty khasaaro dhaawac ah.

Dad ku sugnaa xiliga uu weerarka dhacayay agagaarka Xarunta Degmada ayaa waxa ay inoo sheegeen in Xarunta ay ka socdeen shaqooyin kala duwan,iyadoona dad ay ku jireen gudaha.

Ugu yaraan Saddex ruux ayaa dhaawac uu ka soo gaaray


lagu qaaday Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,kuwaasi oo loo qaaday goobaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho,iyadooan ragii ka dambeeyay durbo goobta ay ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo xiligaas ku sugnaa goob aan ka fogen Xarunta Maamulka ayaa gaaray,iyagoona halkaasi ka wada baaritaano.

Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay weeraro,kuwaasi oo geystay Khasaarooyin kala duwan.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register