Sawirro:-Madaxweynihii hore oo la kulmay Madaxda cusub ee Puntland - damqo

Sawirro:-Madaxweynihii hore oo la kulmay Madaxda cusub ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ee shalay la doortay ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda Puntland,waxaana uu ahaa kii ugu horeeyay ay yeeshaan Madaxda cusub ee Puntland iyo Madaxweynihii hore,kadib Doorashadii ka dhacday Puntland.

Sidoo kale Madaxda cusub ee Puntland ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee ku yaalla Madaxtooyada maamulka Puntland.

Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa looga adkaaday Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,waxaana Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay Madaxweyne u doorteen  


Cabdullaahi Deni,halka Madaxweyne kuxigeen loo doortay in uu noqdo Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register