Sawirro:-Ciidamo cusub oo loo diyaariyay howlgal ka dhan Al-shabaab - damqo

Sawirro:-Ciidamo cusub oo loo diyaariyay howlgal ka dhan Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu biiray Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan 14-ka October.

Kulanka dhiiragelinta ayaa ka dhacay xerada Tababarka General Gordan ee Magaalada Muqdisho,halkaasi uu Mudo tababar Milatari uga socday Ciidamada ku biiray Guutada 14-ka October.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Ciidamada ugu mahad celiyay sida geesinimada leh ee ugu mid noqdeen Ciidamada Xoogga Dalka ,isagoona faray in ay si wanaagsan ugu qeyb qaataan Howlgalada ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,kuwasi oo looga saarayo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ammaanay sida geesinimada ah ay Ciidamada guutada 14-ka October ay nabad diidka Al-shabaab ugu


deegaanada Xeebta ah Sida Jilib-marko Gendarshe iyo Dhannaane

Ciidanka uu  kulanka dhiira galinta ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ah Ciidamo dhammeystay Tababar, iyagoona maanta loo qeybiyay agabkii ay ku howlgalin lahaayeen ciidankan.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register