Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Doorashadii ka dhacday Puntland - damqo

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Doorashadii ka dhacday Puntland

Qaramada Midoobey ayaa war ka soo saartay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garoowe shalay ku doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilimi Cismaan (Karaash).

War-saxaafadeed ka soo baxaay Xafiiska Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya waxaa loogu hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka


Puntland oo shaly lagu doortay Magaalada Garoowe.

Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono Madaxda cusub ee shalay la doortay.

Doorasho maalintii shalay aheyd ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha cusub ee Puntland loogu doortay Saciid Cabdullaahi Deni kaasi oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 35 Cod ,halka Madaxweyne kuxigeen loo doortay Axmed Cilimi Cismaan (Karaash) oo isna helay 47 Cod.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register