Mareykanka oo Duqeeyay magaalo ay ku sugan yihiin Kooxda Daacish - damqo

Mareykanka oo Duqeeyay magaalo ay ku sugan yihiin Kooxda Daacish

Kooxda La socota Dagaalka Syria ayaa sheegtay inay Isbahaysiga Maraykanka 15 Gantaal ku garaaceen labada magaallo ee ay Maleeshiyadda Daacish ka joogaan Bariga Webiga Furaat ee Gobalka Deyr Al-suur ee Bariga dalka Syria.

Labada magaallo ee la duqeeyey oo lagu kala magacaabaa Baghuus iyo Suseeh waa  labada degmo ee ugu dambeysay ee ay Daacish ka haystaan Gobalka Dayr Al-zuur.

Duqeyntaas ayaa ku soo beegantay iyadoo Maleeshiyadda Daacish iyo kuwa Ciiddanka


Kurdishka ee SDF uu dagaal culus ku dhex marayo Gobalkaasi.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Maraykanka waxay 7 gaadiidka dagaalka ee Milliteriga Maraykanka u direen Aagga dagaalka galabnimadii shalay oo Arbaco ahayd.

Ciiddanka Dimuqraadiyadda Syria ee SDF waxay horey taageero uga heleen Isbahaysiga Maraykanka dagaalkii ay Kooxda Daacish kaga saareen Deegaano muhiim ah, oo ay ka mid ahayd magaalladda Raqa sannadkii 2017-kii.

0 Comments

Leave a Comment

Login

Welcome! Login in to your account

Remember me Lost your password?

Don't have account. Register

Lost Password

Register